Sida Aad U Dooran Karto Noloshaada
Ka hor, inta aanan si qoto dheer oo dhinacyo dhawr ah taabanaysa sharrax uga bixin arrimaha la xidhiidha mawduucan Ku Noolow Xorriyad: Sida Aad U Dooran Karto Noloshaada, waa muhim in aynu is weydiino oo si kooban uga jawaabno saddex su’aalood:
- 1. Waa maxay xornimo?
- 2. Maxaa laga xoroobaa?
- 3. Xornimadu xad ma leedahay?
Ku Noolow Xorriyad
Xornimada Dhabta ah
Xornimo waa qofka oo u madax bannaan caqiidadiisa iyo fekerkiisa saxda ah. Waxa ugu muhiimsan ee laga xoroobaa waa jahliga, maadaama uu suurtogelin karo in qofku raaco hawada naftiisa ama ta dadka kale. Faa’iidada cilmiguna waa camal iyo ficil; aqoon aan ficil lahayn ma dhammaystirna.
Xaddidaadda Aadanaha iyo Qaddarka
Binu-aadamku waa xaddidan yahay. Wakhtiga uu adduunka imanayo, irsaaqdiisa, darajadiisa inta uu noolyahay, iyo goorta uu adduunka ka tegayo, dhammaantood waxay ku jiraan gacanta Rabbigii (SWT) abuuray. Qof awood u leh inuu ka soo hormaro wakhtigii loo qaddaray inuu dhasho ma jiro, sidoo kalena ma jiro qof iska badbaadin kara dhimashada, xataa haddii wax kasta oo koonka yaalla loo hibeeyo.
Sharciga Ilaahay iyo Badbaadada Nolosha
Sidaa darteed, Rabbigii aadamaha abuuray wuxuu u dejiyey sharci ay isku maamulaan inta ay adduunka joogaan, si noloshoodu u noqon mid nidaamsan oo aan fawdo ahayn, aakhirana ay u badbaadaan. Allaah (SWT) Quraanka wuxuu ku sheegay in Mu’min iyo Mu’minad midna aanay doorasho kale lahayn marka Allaah iyo Rasuulkiisu amar go’aamiyaan.
Xadka Xorriyadda
Xadka xorriyadda waxaa dejiyey Allaah (SWT), wuxuuna leeyahay laba nooc:
- Xorriyadda laga xoroobo nafta (rabitaanka iyo hawadeeda).
- Xorriyadda laga xoroobo saameynta dibadda.
Mararka qaar adoonsiga ugu weyn waa kan nafta ku haya, waayo qofku haddii uu naftiisa ka adkaan waayo, xor ma aha inkastoo uu u muuqdo mid bannaan.
Qoomamooyinka Ugu Badnaa ee Dadka Geerida U Dhowaa laga qoray
Bronnie Ware, waa kalkaaliso u dhalatay Australia oo ka shaqayn jirtay qaybta bukaannada aadka u xanuunsan. Waxay diiwaangelisay qoomamooyinka ugu badan ee ay sheegaan dadka geerida u dhow, waxayna ka qortay shan qodob oo ay inta badan ku mideysnaayeen, iyadoo aan la eegin diimahooda ama asalkooda.
1. “Waxaan jeclaan lahaa inaan nolaado nolosha aan rabay anigu ee aanan noolaan tii dadku ila rabeen.
“Waxaan jeclaan lahaa in aan yeesho geesinnimo si aan ugu noolaado nolol khiyaarkayga ku timi, oo aan ahayn nolosha dadka kale iga filayeen.” Qoomarnadan ayaa ahayd tii ugu badneyd oo ay gabadhani ka maqashey dadkii ay xogta ka ururisay. Dadkan markay soo gaadheen dhammaadkii noloshooda waxay garowsadeen in ayna sameynin riyooyinkoodii qiimaha badnaa oo haddii ay sameyn lahaayeen waxtar weyn keeni lahaa. Laakiin, way katanaasuli jireen, sidaana wakhtigii ayaa kaga dhammaaday. Caafimaadku waa xorriyadda ugu weyn oo aynu haysano, in badan oo innaga mid ahna waxay taa xaqiiqsadaan marka ay waayaan caafimaadkaas.
2. Waxaan jeclaan lahaa in aanan si xad-dhaafa u shaqayn lahayn.
Arrinka 2aad oo dadkii sii dhimanayey ka qoomamnayeen wuxuu ahaa mid ragga ku badnaa, ahaana in aanay wakhti u helin reerkiisii, carruurtiisii, iyo chelkiisa oo arrinkiisu ahaa uun shaqo shaqo shaqo Markii uu soo gaadhay dhammaadkana fahmey in aanu wakhti fiican la qaadan dadkiisii oo aanay isfahmin intii uu noolaa. Arrinkani wuxuu ka mid yahay arrimaha sababa in reeruhu burburaan, carruurta iyo waalidku isfahmi waayaan, ama in qofku waalidkii siin waayo fursad ay wakhti ku wada qaataan, taasina ay keeni karto in qofku noqdo caasi waalid/ waalid inkaarnimo.

3. Waxaan jeclaan lahaa geesinnimo aan dareenkayga ku cabbiri lahaa. ” Waxaan jeclaan lahaa inaan yeelan lahaa geesinnimo aan ku muujiyo dareenkayga.” Arrinta saddexaad ee dadku ka qoomomoonayeen waxay ahayd in aanay ku dhiirran jirin inay muujiyaan darcenkooda, maadaama oo ay hamranayeen. Taasina ay qaar badan dhaxalsisey dhibaatooyin intii ay noolayeen, iyo qoomamadan uu qofku ku geeriyooday. Waxaa habboon in qofku aanu ka habran wixii xaq ah, isaga oo arrinkiisa si habboon u wajahaya. Hamrashada oo wax sax ah laga hamradaa, waxay ku keentaa qofka in uu si dadban addoon u noqdo. Carbinta hoggaaminta waxaa ka mid ah in qofku caadeysto in uu noqdo “assertive”, oo macnaheedu yahay in qofku si aan caaddifad laheyn u sheegan karo xaqiisa, iyo xaqa dadka un ka masuulka yahayba.
4. Waxaan jeclaan lahaa in aan joogteeyo xiriirka saaxiibbadayda fiican.
Arrinta afraad waxay ahayd in qaar ka mid ah dadka aysan wakhti iyo xiriir wanaagsan la yeelan saaxiibadood. Nebi Muxammed (csw) wuxuu yidhi: “Qofku wuxuu ku sugan yahay diinta saaxiibkii, ee hubi qofka aad saaxiibka la tahay.” Saaxiibbada wanaagsan waxay kaa caawiyaan jidka saxda ah, waxay kugu dhiirrigeliyaan horumar, waxayna fududeeyaan fursado nolosha ah. Odhaahdu waa: “You’re the average of the five people you spend the most time with,” taasoo muujinaysa in saaxiibada ay si weyn kuu saameeyaan. Sidaa darteed, kasbashada saaxiibbo wanaagsan waa muhiim guul adduun iyo aakhiro, waxaana habboon in si taxaddar leh loo doorto saaxiibada.
5. Waxaan jeclaan lahaa in aan nafteyda u oggolaan lahaa in ay farxad ku noolaato:
Gabadhan waxay sheegtey arrinta 5aad ee dadkani badankoodu ka qoomomoonayeen in ay ahayd, in aanay naftooda u ogalaanin deggenaansho iyo in ay farxad ku noolaato. Werwerka xad-dhaafka ah, khaasatan ka adduunka laga werweraa ma habboona. Qofka Musilimka ahi waa in uu ku ganacsanyahay qaddarka iyo wixii Allaah (swt) u qoray. Dadaal, qaddarkana ku qanac. Qaddarka oo aynu ku sabirnaa waxay ina dhaxalsiinaysaa deggenaansho, iyo in aynaan moodin in kaantaroolka arrimuhu gacanteenna ku jiraan.
Inta badan waxaa ina mushquuliya wax-badsi oo laga yaabaa in aynu illowno nicmada aynu haysano: caafimaad, xoog, reer wacan, nolol innagu filan, tacliin, iwm. Adduunyo u halgan xad-dhaaf ah, waxay sababi kartaa caafimaad darro yo qofka oo ka tanaasula qiyamkiisa. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, “wax-badso wax-beel bay dhashaa.” Nolol xikmadeysani waa ta aad dadaaleyso, ogtahayna nicmada aad haysatid, kuna qanacsan tahay xaaladda aad markaa ku sugan tahay. Kollay waxaan laguu qorin heli maysid marnaba. Allaah (swt) wuxuu qoray risqigaaga markaad 120 (40×3) cisho jirtey oo caloosha hooyo ku jirtey. Ka warran haddii aad imika, inta aad nooshahay xoog iyo caqli leedahay in aad ka fekertid waxyaabaha ay suurtogal tahay in aad ka murugoon doontid marka ay noloshaadu gebo-gebo tahay, kadibna aad ka hawl-geshid.
Nebi Muxammed (csw) wuxuu yidhi: qofkii waagu u beryo isaga oo nabad gelyo ku sugan, caafimaad qaba, oo haysta maalintaa wixii uu ku noolaan lahaa, wuxuu lamid yahay qof adduunkii gacantiisa ku jiro. Shantan arrimood waxay muujinayaan in dadku mararka qaar ku nool yihiin xaalad dhoohnaan ah, taasoo ka hor istaagta in ay sameeyaan doorashooyin u gaar ah, kana dhigta kuwo ku dayda dadka kale. Cilmi-baadhis ayaa muujisay in cadaadiska bulshada uu qofka ku qasbo in uu noloshiisa ku noolaado ku dayasho dadka kale, taasoo ka hor istaagta in uu ka faa’iideysto maskaxdiisa iyo shakhsiyaddiisa gaarka ah. Fekerka iyo kartida maskaxeed ee dadka waa kala duwan yihiin, Caqiidada waa in laga midoobo, laakiin curinta maskaxda iyo waxsoosaarka, hoggaaminta iyo maamulka wanaagsan waa lagu kala duwanaan karaa.
Saynisyahannadi caalam wax ikhtiraacay oo horumerka adduunka u horseeday, nin walba hibadii Allaah (swt) u gooni yeelay ayuu ku hawl-galay. Bulshooyinka horumarka sameeyaa waxay suurtogeliyaan in qof walba ka faa’iideeyo muhibadiisa gaarka u ah. Adduunkan saxaafadda bulshadu (social media) isku xidhay, cadaadiska bulshadu wuxuu ka imanayaa daafaha adduunka oo dhan. Tusaale: haddii qof dhalinyaro ah mar walba internet-ka kala socdo hab-dhaqanka da’diisa ee daafaha adduunka, waxay u dhawdahay in uu ku daydo. Markaa, haddii aanu qofku soo jeedin oo haysan nidaam (values and habits) uu isku ilaaliyo, waxaa suurtogal ah in uu siibto isaga oo aan dareemayn – “bidaari sibiq bay kugu gashaa.” Sidaana uu addoon ugu noqdo dad kale- ama meel ha kula noolaado ama cidhifyada adduunka ha kala joogaanee. Cilmi-baadhis badan ka dib, khubarada cilmi nafsigu waxay cadeeyeen in qofka garan kara dareenkiisa iyo ka dadka kale, oo kadibna maamul iyo isxakameyn isku sameyn karaa uu yahay qof adduunkan maanta nolol deggen ku noolaan kara, Hadaba ku noolow xorriyad.
Ku Noolow Xorriyad: Sida Aad U Dooran Karto Noloshaada
Kabogo maqaalo kale:https://fikirhub.com

