Mawduuceena maantay waa maxay Faa’iiddada ku jirta in saddex hawlood maalin kasta la xaliyo, Mararka qaarkood ma dareentaa in maalintii orod kugu dhaaftey, adiga oo aan waxba qabsan? Adiga oo la yaaban sidii orodka badneyd ee shalay kugu dhaaftey, ma aragtaa maantana in sidii oo kale xawli kugu dhaaftey? Haddii jawaabtaadu tahay haa, markaa waxa aad u baahan tahay inaad qaabeysato oo qorshe u dejisato hawl maalmeedkaaga. Waa inaad sameysato liisto hawl maalmeed(To-do list) si aad ugu talogasho hawsha aad rabto inaad ka gaadho berito ama todobaadka soo socda. Wakhtiga waa mawjad kugu soo socota, markaa waa inaad ka fekertaa sidii aad uga badbaadi lahayd. In mawjaddu ku qaado iyo inaad ka badbaado waxa ay ku xidhan tahay dadaalka aad sameyso. waxaana kuu furan inaad saddex arrimood mid uun ku dhaqaaqdo oo faa’iidada adiga ku keh.
1. Ka-hortag (Proactive) In marka mawjaddu soo socoto aad isku daydo inaad waxii aad ka gaadhi karto sii badbaadiso.
2. Ka-gaashaamasho (predictive) Inaad mawjadda ka sii gaashaamato si aad u yareyso waxyeelada ku soo gaadhi karta.
3. Ka-tabatag (reactive) Inaadan waxba sameynin oo marka mawjaddu ku qaado waxii khasaare ee ku soo gaadha ka soo kabato.
Halkan hoose ayaan qodobadan kore mid mid ugu falanqeyneynaa:
Qodobka 1aad – Ka-hortag (Proactive): Qodobkan waxa uu ku saabsan yahay sidii aad uga hortagi lahayd mawjadda kugu soo socota. Wakhtiga kugu soo socda waad aragtaa, markaa waxa aad ku dadaaleysaa inaad ka faa’iiddeysato.
Qodobka 2aad – Ka-gaashaamasho (predictive): Qodobkan waxa uu ku saabsan yahay inaad ka sii gaashaamato mawjadda kugu soo socota. Wakhtiga kugu soo socda waad og tahay, markaa waxa aad u sii sameysatey qorshe cad oo aad daqiiqad kasta uga faa’iiddeysaneyso..
Qodobka 3aad – Ka-dabatag (reactive): Qodobkan waxa uu ku saabsan yahay ka dabatag waxii khasaare ah ee mawjadda kuu geysatay. Wakhtiga kugu soo socda waad aragtaa, waadna og tahay, laakiin waxba kama aadan sameynin, markaa wakhtigii sidaas ayuu kugu dhaafay adiga oo aan ka faa’iiddeysan. Wakhtigan ku dhaafey waxa uu kuu noqon karaan cashar aad wax ku qaadato.
Saddexdan qodob horta qodobka 3aad talo kuma jiro oo wakhti tagey tiigsimaad ma leh, markaa waa inaadan ku shaqeynin qodobkan. Qodobka 1aad waxa uu ka turjumayaa inaad wakhtigii ku hambaabirto oo degdeg qorshe u sameyso. Qodobka 2aad waa kan ugu fiican inaad sameyso, sababta oo ah wakhti kaama khasaarayo oo waad u sii diyaar garowbeysaa wakhtiga soo socda, waxaana gacanta kuugu jira qorshehii aad wakhtiga uga faa’iiddeysan lahayd.Marka aad sameysato qorshe dhameystiran oo aad qeexdo hawlihii aad fulin lahayd oo dhan, waxa aad u baahan tahay inaad sameysato liisto hawl-maalmeed si aad wax uga qabato hawlaha kugu soo fool leh. Liistada hawl maalmeedku waxa ay kuu sahleysaa inaad xasuusato hawlaha berito ama maalmaha soo socda ee ku sugaya. Liistada hawl-maalmeedku waa dhiirigelin oo waxa ay kugu dirqiyeysaa inaad fuliso hawshii aad sii qorsheysatey. Liistada hawl-maalmeedku waxa kale oo kaa caawineysaa inaad noqoto qof noloshiisa ka adag oo ku socda qorshe uu dejistey sidaasna faai’iiddada maalmihisa uhela.
Maalin kasta xali saddex hawlood: Wakhtigu waa uu socdaa, maalmahuna sidaas ayey isu dabasocdaan, markaa adiga ayaa lagaa rabaa inaad wakhtiga ku xisaabsantid oo aad hawlaha ku hor yaala mid mid u xaliso. Waxa aad u baahan tahay inaad naftaada balan adag la gasho oo ku talogasho inaad maalin kasta xaliso saddex hawlood oo muhiim kuu leh. Saddexdaas hawlood oo la xidhiidha waajibaadkaaga kuu khaaska ah. Inta aadan habeenkii seexan waa inaad ku talogashaa inaad berito xaliso saddex hawlood. Waxaa fiican in hawlaha aad xalinayso ku qoroto jadwal si aad u xasuusato. Hawlaha la xidhiidha shaqadaada ama waxbarashadaada sidoo kale ayaa loo baahan yahay in maalin kasta saddex hawlood iyo ka badan aad u xaliso si faa’iiddada maalinkaas uhesho. Faa’iiddada kujirta hoos ka akhri.
Faa’iiddada ku jirta in saddex hawlood maalin kasta la xaliyo :
1.Hawlahaagii waxa aad u xalineysaa mid mid oo marka aad maalinkasta saddex hawlood xaliso, marka danbe waxa aad gaadheysaa heer aad ka faraxalato dhamaan waxii hawlo yaryar ee aad lahayd. Aakhirkii waxa aad ku guuleysaneysaa inaad noqoto qof ka-hortag ku fekera oo ka sii tabaabusheysta hawlaha soo socda.
2.Waxa kuu soo baxaya wakhti badan oo kaa qarsoonaa, waayo culeykii maskaxda kaa haystey ayaa kaa degaya, marka aad xaliso hawlahii ku sugayey, maadaama marka hawl ku sugeyso aad wax badan ka fekereyso.
3.Waxa naftaadu heleysaa kalsooni, waayo waxaa kaa degaya culeys, welwel iyo walbahaar badan oo kugu hayeen hawlaha aad xalisey, waxa aadna noqoneysaa qof sidii hore ka firfircoon oo noloshiisa wax badan ku tallaabsada.
4. Caadi ahaan liistada hawl-maalmeedka waxa laga faa’iiddayaa waa go’aan qaadasho fiican iyo inaad mudnaan tii la rabey aad hawlahaaga kala siiso, waxaana kuu suutogaleysa inaad maareyso hawlaha kugu soo fool leh maalmaha soo socda.
5.Marka aad Sameysato liisto hawl-maalmeed waxa kuu sahlanaaneysa inaad wakhtigaa si wax ku ool leh uga faa’iiddeysato. faa’iiddada waqtigaagana hesho.

Diyaarso Hawl-maalmeed (To-do list) Liistada hawl-maalmeedku waa inay meel kuugu qoran tahay si aad u xasuusato.
Waxaa fiican inaad liistada hawl maalmeedka soo daabacato ama warqad ku qorato oo derbiga ku dhejisato. Waxaa hadda lagu jiraa wakhti casri ah oo wax kasta kombiyuuterka iyo teleefon ayaa la gelinayaa, markaa waxaa jira barmaamijyo badan iyo apps teleefonada ah oo aad ku maareyn karto liistadaa hawl-maalmeedka ah, waa haddii teleefonka aad heysato yahay kuwa casriga ah ee loo yaqaan Smart phone. Telefonada cusub ee casriga ah waxaa lagu rakiban karaa Apps kaa caawin kara inaad si nidaamsan u qorsheysato hawl-maalmeed iyo qorsheha aad naftaada la galeyso. App ka hawl-maalmeedka waxa uu kuu sahlayaa inaad ku dhegenaato yoolka aad leedahay iyo inaad wakhtigaagal kala qorsheysato oo aad markasta ku feejignaato hawsha ku sugeysa.

Waxa aad ku dadaashaa inaad hawlahii aad maalintaas qoondeysatay u xaliso sidii aad ugu talogashay, haddii kale hawshii maanta oo kuu taal ayaa waxaa kugu soo baxsanaya hawlihii aad qaban lahayd maalmaha soo socda ee berito, saadanbe, saakuun ama sidetaal. Ka dibna waxaa dhacaysa in hawlo badan isu kaa dul fuulaan. Inta badan adiga oo qorshe ku dhex jira waxaa kugu soo bixi kara hawl cusub oo aan qorsheha kuugu jirin, markaa waxa aad isticmaashaa salaxa mudnaanta. Haddii hawshu tahay mid muhiim oo sugi karta, markaas waxa aad fiirisaa hawlaha kuu yaala iyo meesha aad hawshan cusub ka gelin karto.
Hawl-maalmeedka aan kor kaga soo hadalnay ee aad berito xalineyso ma aha inta badan hawlo kugu soo booday ee waa hawlo aad horey u sii qorsheysatey. Sidaas darteed waa inaad ugu yaraan todobaadkiiba hal mar dejisataa hawl-maalmeedka todobaadkaas aad rabto inaad qabato. Wakhtigan aan ku jirno waxaa kugu soo dhacaya teleefon, fariimo iyo email, wax baad meel ka akhrisaysaa, qof baad balan ka qaadeysaa, waxaas oo dhan maskaxdeenu ma wada qaadi karto oo lama kala xasuusan karo balan iyo waxii aad qaban lahayd. Markaa waxaa lagama maarmaan ah inaad isticmaasho jadwal warqad ahaan ah ama jadwalka teleefonka ama kombiyuuterka. Waa khasab inaad haysato jadwal aad ku qoroto balamahaaga, hawl maalmeedkaaga iyo qorsheha aad dejisato, si aad u xasuusato hawlahaaga, haddana ugu xisaabsanto wakhtigaaga qaaliga ah. Ugu danbeyn waad ogtahay in jadwalku hawshii kuu qabaneynin, laakiin waxa keliya ee uu kaa caawinayaa waa inaad ku xasuusato hawsha kuu taal. Markaa adiga ayaa lagaaga fadhiyaa inaad ficil la timaado oo hawlaha kala tuurto. Si aad hawlahaaga maalin kasta qaar u xaliso, waa inaad sameysataa liisto hawl-maalmeed. Maalin kasta waa inaad xalisaa saddex hawlood oo ka mid ah hawlaha kuu yaala. Marka aad sidaas sameyso waxa aad heleysaa wakhti dheeraad ah iyo faa’iiddada maalinkaas, aakhirkana waxa aad noqoneysaa qof ka hortag ku fekera.Maskaxdeenu ma qaadi karto balamaha ama balanqaadka aan maalinkasta sameyno, markaa waa inaad haysato jadwal aad balamaahaga iyo hawl-maalmeedkaaga ku qoroto.
Mawduucan ” faa’iiddada ku jirta in sad dex hawlood maalin kasta la xaliyo” waxaan kasoo xigtay buug shakhsi ahaantayda si weyn iicaawiyay wax badana aan ka faa’iidey buuggaas waxaa qoray qoraa mohamed ismail bulale, magaca buugguna waa maareynta waqtiga.
BOOQO OO KABOGO: home

