Ma odhanayo sideen nafta u beddelnaa, bal se waxa aynu odhan “sidee baa aynu nafta wax uga beddelnaa?” sababtoo ah, naf u baahan gabi ahaan in la beddelo ma jirto, Allana (swt) nafna macno darro uma abuurin. Ruux walba oo aadane ahi, wuxu leeyahay wax macaan oo aan la quudheyn. Kaliya, waxa suurta gal ah, mararka qaar qiimahaas in ay isku dahaadhaan dhawr wax oo liita,oo uu qofkaasi u baahanyahay in uu beddelo. Haddii uu beddelana, waxa markaba ifka u soo baxaya, asalkii naftani lahayd, oo ah mid qurux badan. Isbeddel marka aynu leennahay, laba ujeeddo ayaynu uga dan leennahay, midda hore waa weecasho, midda labaadna waa korriin.
Weecasho:
waxa aad ka weecatay jid qaldanaa, waxa aanad qaadday mid saxsan. Wax yar oo liita haddii aad beddesho, kuna beddesho isla wixii oo saxan, ama wax kale oo ka habboon, waxa aad dhufatay shookaanta baabuurka noloshaada, waxa aanad ku leexisay jidka guusha. Mar kasta, oo aad wax yar beddesho, wax yar baad qabatay shookaanta, mana dareemaysid. Laakiin haddii aad joogteyso hakinta iyo wax ka beddelka wax kasta oo aad u aragto in uusan ku anfaceen labada daaroodba, ugu dambeyn, waxa aad cagta saari doontaa jidka guusha adduunka iyo midda liibaanta aakhiro.
Korriin:
waad kortay, oo waxa aad u kortay garaad ahaan, jidh ahaan iyo iimaan ahaan. Mar kasta oo aad fekerkaaga wax ka beddesho, wax cusub aad barato, wixii aad baratayna aad dhaqan galiso, caqli ahaan ayaad u kori doontaa. Mar kasta oo aad saxdo dabeecad xun, waxa hagaagi doona oo kobcaya xidhiidhkaaga bulsheed, ganacsi iyo midda qoyseed. Mar kasta oo aad balwad xun deyso, hurdo kugu filan seexato, cunto fayo qabta cunto, haddii aad u baahatana is daaweyso, caafimaadkaaga ayaa horumari doona. Mar walba oo aad joogteyso Alle bariga, toobadda iyo xusidda Rabbi, isla markaana wanaajiso, iimaan ahaan ayaad u kori doontaa. Sidaa daraaddeed, isbeddalku waa billawga horumarka nafta.
Si kale, horumar ma jirayo, haddii aan wax la beddelin. Isbeddel kasta se horumar ma keeno; sababtoo ah, isbeddelka taban dib-u-dhac buu keenaa. Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa “Lagu doori habaarna way noqotaa, ducana way noqotaa”. Kolba waa sida aad ula jeedday. Doorsoonka uu qofku naftiisa wax ka mida doorinayaana, kolba waa sidii uu doortay isagu/iyadu. Waxa jira qof lagu yaqaannay wanaag badan, oo isbeddelay, iskuna beddelay dhanka liita. Waxa kale, oo jira qof xumaan lagu bartay, balse mar dambe nafta wax ka beddelay, una dooriyay dhanka wanaagsan. jidka guusha.
Mar kasta, oo aad wax yar beddesho, wax yar baad qabatay shookaanta, mana dareemaysid. Laakiin haddii aad joogteyso hakinta iyo wax ka beddelka wax kasta oo aad u aragto in uusan ku anfaceen labada daaroodba, ugu dambeyn, waxa aad cagta saari doontaa jidka guusha adduunka iyo midda liibaanta aakhiro.
QAACIIDO ISBEDDELka Nafta

Isbeddel-Horumar ama Dib u dhac
ISBEDDEL= BILLAABID + JOOJIN+ KORDHIN+YAREYN (Wax la billaabay + wax la joojiyay + wax la kordhiyay + wax la dhimay) mid, laba, saddex ka mida, ama dhammaan.
HORUMAR= ISBEDDEL TOGAN
(Waxa la billaabay iyo waxa la kordhiyayba, waa wax wanaagsan; waxa la joojiyay iyo waxa la dhimayna waa wax xun)
DIB-U-DHAC= ISBEDDEL TABAN
(Waxa la billaabay iyo waxa la kordhiyayba, waa wax liitay;waxa la joojiyay iyo waxa la dhimayna waa wax wanaagsanaa)
“Horumarku wuxu ka mid yahay is-beddelka togan. Haddii aad aragto qof, koox, dal ama shirkad horumar sameyeeyay, waxa sababay isbeddel ay nafta ku sameeyeen; ka soo horjeedkuna waa la mid” Waxa aad isku beddeshay isla shay kaliya ayuu noqon karaa, sida: oofinta ballamaha ayaad ku liidatay, markaas ayaad joojisay dhaqankaa liitay, waxa aanad ku beddeshay dhaqan ah, in aad ilaaliso ballamaha. Wax baad saxday, ama toosisay. Sidoo kale, waxa aad isku beddeshay wuxu noqon karaa laba wax oo kala geddisan. Tusaale ahaan, in aad joojisay balwad xun, sida qaadka ama in aad baraha bulshada waqti badan ku jirto, adiga oo ku beddelay akhrinta Qur’aanka iyo buugta kale ee manfaca leh. Caado xun, ayaad mid wanaagsan ku beddeshay.
waxaa jira talaabooyin isbeddelka inoo dhib yareyn kara, ama la odhan karo, dadka hore isku beddelay waa ay qaadeen talaabooyinkan, . Waxa ayna kala yihiin:
Tallaabada laad: Feker Toolmoon
Tallaabada 2aad: Sabab Isbeddel Tallaabada
Taallaaalaal 3aad: Go’aan Qaadasho
Tallaabada 4aad: Iskaashi
Tallaabada 5aad: Is-xisaabin
Tallaabada 6aad: Dhabar-adayg.
Horumar ma sameyn kartid shaqsi ahaan, qoys ahaan, shirkad ahaan, iyo dal ahaanba, haddii aanu isbeddel iman, isbeddelkuna ma hawl yara. Mar kasta oo aad is tidhaahdo wax cusub isku day, balwad jooji, ama caado cusub abuur, waxa aad dareemi doontaa xanuun iyo xasillooni la’aan, sababtoo ah isbeddelku waa guurid aad ka guurayso xaalad, una guurayso xaalad kale. Jidka inta aad ku jirto dulqaad baa kuu habboon, marka aad gaadho kolba heer iyo mar xalad gaar ahna waxa ay kaaga baahantahay la qabsasho.
Isku soo duub: marka feker yimaaddo, sabab fekerka xoojisaana waa in ay jirto, ka dibna go’aan. Go’aankuna midha dhal ma yeelanayo haddii aan dhabar-adayg jirin, kaas oo ah joogtaynta iyo ku adkaysashada, xanuun kasta oo jira, inta naftu la qabsanayso. Taasina waxa ay ku suurta galaysaa, laba arrimood: ta koobaad, waa kolba deegaanka kugu xeeran iyo cidda aad kaashanayso. Ta labaadna, waa xisaabinta nafta, oo leh qiimeyn, qorsheyn iyo maareyn. “In aad muddo adduunka ku soo kor noolaataa waa arrin sahlan. Laakiin in aad nolosha dhab ahaan u dareento, xaqeedana marisaa, halgan iyo dhabar-adayg ayay rabtaa. Noqo midkii maankiisa haga,naftiisa xakameeya, noloshiisana maareeya.
Haddii aad doonaysaan qoraalo iyo maqaalo noocaan aan idin kula wadaago sidan ookale fadlan commentiga hoose iigu reeba.
Mahadsanid
kabogo maqaalo kale: home

