Macanaha noloshu waa su’aal ruux waliba isweydiiyo, Facyaal badan ayaa dadkii ku noolaa dunidan, ruux waliba is weydiin jiray su’aasha ah “Noloshu maxay macno ii leedahay?” Hawl galadii jawaab u raadinta su’aasha Noloshu maxay macno ii leedahay?” ee dadku qarniyada badan isweydiinayeen, waxay saldhig u noqotay in la abuuro falsafado iyo culuun faro badan.Kuwaas oo dhammaantoodba ka bixiyey jawaab u qalanta macnaha noloshu ruuxa u leedahay. Sidoo kale diimaha oo ay ugu horayso Diinta islamku ayaa jawaab faahfaahsan ka bixisay macnaha nolosha. Dhaqamada dadyawga kala duwan ee dunidan ayaa mid waliba goonidiisa jawaab uga bixiyey. Culimada jawaabta ka bixiyey su’aasha “maxay noloshu macno u leedahay ruuxa?” waxay isku raacee in noloshu aanay lahayn macno iskeed ah, balse ruuxu u yeela macnaha ay isaga u leedahay. Nin qoraa ah oo lagu magacaabo Vicktor Frankl ayaa ku dooday in noloshu macno kuu samayso oo keliya marka adigu la timaado “hal abuurkii adigu aad macanaha ugu yeeli lahayd”.
Frankl iyo khubaro badan oo kale waxay rumaysnaayeen in macnaha noloshu tahay farxad ruuxu ka helo natiijo ka soo baxday ilo dhaqaale ama adeeg uu ku keenay dadaal iyo aragti u fududeeyey hal abuuridda ilahaa dhaqaale ama adeeg. Frankl oo ku dooday “in noloshu ruuxa macno u samayso marka isagu macno u yeelayo” doodiisaa waxa qoray barta bulshadu ku wada xidhiidho
https://www.youthareawesome.com/life-meaningful/
Ilo xogeedyo tiro badan ayaa soo bandhiga macnaha noloshu ruuxa u samayso. Marka laga yimaaddo dooda Frank, ila xogeedyada macnaha noloshu u leedahay ruuxu wuxu ka heli kara wax kasta oo dhegahiisa, indhihiisa iyo dareemadiisa ku soo dhaca iyo wuxu aqoon iyo waayo aragnimo u leeyahay. Dhammaan ila xogeedadaas maanka ruuxa la fal galo waxay u sameeyaan macne togan ama macne taban. Tusaale, haddii bisad madaw ay subax hore kaa soo hor baxdo, horena aad u aaminsanayd in la kulan bisad madaw waqtiyada qoraxdu dacayso ama soo baxayso ay tahay nasiib xumo aad u weyn, noloshu maalintaa waxay kuu yeelanaysaa filasho in maanta aad wax walba ku nasiib xumaan dootid.Tusaale kale. Haddii aad isku lifaaqiso cunista qaadka (suntan cagaaran ama daroogada doogga ah) iyo “quud awliyo, ragga xigmadda badan reer magaalka ah ee mafrashka lagu qayilo isugu yimaada”, markaa noloshu waxay kuu samaynaysaa mafrashka iyo cunista jaadku waa laba aan sinaba looga maqnaan karin.
Macnayaasha nololeed ee ruuxa u hogaamiya dhinaca balwadaha, saacado badan fadhi ku luminta, khayaal ku noolaanshaha iyo mashaqaysigu waxa ku dhaliyey rumaysashada in noloshu sidan ku macaantahay.Ma rumaysna in balwaddu hoos u dhigto wax tarkiisa. Inay gabeen kaalintooda bulsho ee dhinacyada badan leh Inuu yaraado hankooduna bulshadu u taqaano wax ma tarayaal dhib la nool ah.
Dhinaca kale macnaha nololeed ee ruuxa u hogaamiya horumarka, hal abuur samaynta, rajo qabka iyo himillo beegsiga, waxay kor u qaadda wax tarkiisa. Wuxu ku hammiyaa samo ku noolaansho. Barta bulshadu ku wada xidhidho ee https://robert-lippke.jimdo.com/über-mich/ ayaa soo bandhigtay jaanjus ay ku qoran yihiin hal kudhegyo uu ruux isku dhiiri geliyo. Hal ku dhegyada waxa ka mid ah (ujeeddo ayaad ka leedahay noloshaada. Aad ayey muhim u tahay waayo aragnimada noloshu ku bartay. Inaad hammido waa lagama maarmaan. Wanaag hadal hayntaada waa loo baahan yahay. Alle wuxu kuu abuuray inaad wanaagga sabab u noqoto).
Qaababka Ruuxa Nolosha Macno ugu Samayso

Viktor Frankl ayaa dhigay seeska cilmi baadhid wax badan lagaga ogaaday macnaha nolosha. Frankl wuxu soo kordhiyey fikir uu uga magac daray macno baadhista ee ruuxa “Man’s Search for Meaning”. Ujeedadiisu waxay ahayd in dadka uu ku baraarujiyo macne samayto noloshu isla markaana hawl geliso. Waxa run ah in ruuxna wax aan macno u samaynay aanu waqti ku luminayn. Frankl isaga oo ka amba qaadaya aragtidiisa “in dadku u hawl galo waxa macnaha weyn u leh” ayaa ku dooday “Caafimaadku xudun ayuu u yahay ruux walba noloshiisa. Awoodda wax qabsi ee Alle ku manaystay ayuu ruux waliba u adeegsadaa samo ku noolaanshiisa. Noloshu ruux walba waxay u samaysaa ujeeddo iyo macno balse ruuxna uma ballan qaafo farxad iyo meel uu ka hawl galo oo iska diyaar ah”. Isaga oo doodiisa sii wada, Frankl wuxu soo jeediyey in ruuxu noloshiisa kaga sal gaadhi karo sadex dariiqo uu ku dhaqaaqo. Sadexdaa dariiq wuxu ku tilmaamay
a) ruuxa oo ku dhaqaaqa hal abuuro shaqo nololeed.
b) Inuu waayo aragnimo buuxda ka hello dhacdo uu la soo kulmay,
c) iyo ogolaanshaha dhibka aanu sina uga baxsan karayn, sida xanuun aan dawo lahayn uu la nool yahay. Frankl wuxu rumaysnaa in dhibaatadu tahay qayb nolosha aadamaha ka mid ah oo sinaba aan looga baxsan karayn, sida darteed wuxu dhiiri geliyey in ruux waliba yeesho karti uu kula macaamilo. Khubarada cilmi nafsigu waxay ku dhiiri geliyaan dadku inuu nolosha jeclaado. Haddii aad nolosha jeceshahay inaad u hawl gasho iyaduna way ku jeclaan. Mahatma Gandhi wuxu yidhi “meeshii jacaylkeedu jiro nololina way jirtaa”. Cilmi baadayaasha George iyo Park ayaa soo jeediyey in macno samynta nolosha ee ruuxu saddex dhinac leedahay.
Saddexdaas dhinaca waxay yihiin:
a) Ilaa heerka ruuxu uu dareensan yahay in jiritaankiisu qiimo u leeyahay dunidan
b) Waayo aragnimada ruuxu u yeesho ujeedada noloshiisa
c) Fahamka isku xidhnaansha qaybaha nolosha ee ruuxa. Dareensanida ruuxa ee qiimaha noloshiisu dunidan u leedahay, waxa soo bandhiga taariikh nololeedkiisa iyo kaalinta uu bulshada ugu jiro. Waxa kale oo soo bandhiga taabab kala horeeya ee qorshayta hawl galkiisa iyo heerka dadaalka fulinta taababtka hawsha. Fahamka isku xidhnaanta qayba noloshiisa waxa soo bandhiga sida ruuxu u qiimeeyo ulana fal galo xaaladaha ay ku sugan tahay naftiisa, qoyskiisa, bulshadiisa iyo degaanka uu ku nool yahay. La ma soo koobi karo qaababka noloshu ruuxa macno ugu samayso hase yeeshee cilmi baadheyaal muddo ku foognaa sidii ay u soo bandhig lahaayeen habab cusub oo la xidhiidha fahamka nolosha, ayaa tibaaxay in ruuxa noloshu macno ugu samayso sadedex dhinac.
Sadexdaa dhinac waxay kala yihiin:
1:Macno saamayn guud. Ruuxa waxa macno guud oo nololeed u sameeya adduun aragiisa iyo garashada marka ta Alle laga yimaado sida waxa waliba u wada shaqeeyaan.
2.Macno xaaladeed. Xaalad nololeed ruuxa waxa u sameeya dhacdo waqti dheer qaadanaysa sida wax barasho. Tusaale ka sal gaadhidda ilaa heerarkeeda ugu sarreeya wax barashadu waa hawl adag. Sidoo kale shaqo la’aantu waa dhibaato joogo ah. macnaha qayb ka mid ah xaalad nololeed waxa ardayga u sameeya dhacdo waqti gaaban sida imtixaanada sannad laha ah.
3.Macnaha dhammaadka nolosha. Faallo ma laha (no comment) Cilmi baadhistaasi waxay soo bandhigtay in saddexda dhinac isku dhisan yihiin gooni goonina aan loo kala qaadi karin. Waxa kale ay tibaaxday inay jirto isku dhisyo la isku qaban karo si tusaale looga dhigto isku dhisyadaa waxa ka mid ah: Iskaa u hawl gal (Automatic) u badheedhid (Deliberate) Noloshu waxay ruuxa macno qaab ogaal la’aan ugu samaysaa, marka uu la kulmo dhacdo caqabad ku ah damaciisa. Ruuxu markiiba waxaa ku dhalata fikirka ah in dhacdadu wax yeello ku tahay. Si uu uga soo kabto, wuxu u fiirsadaa culayskeeda si uu xal degdeg ah ugu helo. Noloshu waxay ruuxa macno qaab u badheedid ah ugu samaysaa, marka uu ruux kale kaga daydo sida uu uga dabaashay dhacdo ku timid. Si uu uga soo kabto xanuunka dhacdada. Ruuxu wuxu ku dhaqaaqaa wax qabadyo uu ku samaynayo qorshe uu ka soo dheegtay sida ruuxa uu ku dayanayay dhibaatada kaga gudbay.
Isku dhaf (assimilation) isla jaan qaadsiin (accommodation):Noloshu waxay ruuxa macno qaab isku dhaf ah ugu samaysaa, marka uu la kulmo dhacdo caqabad ku ah damaciisa guud. Si uu uga soo kabto caqabadda, wax ayuu beddelaa. Waxaa uu beddelayo wuxu noqon karaa damaciisa guud, ama inuu carqaladda xal u helo ama inuu labaddoodaba midba wax ka beddelo. Noloshu waxay ruuxa macno qaab isla jaan qaadsiina ah ugu samaysaa, marka ruuxa damaciisa guud ay wax carqaladeeyaan. Si uu uga soo kabto ruuxu wuxu isla jaan qaadsiiyaa damaciisa guud iyo carqaladda. Khabiir lagu magacaabo Huge ayaa ku dooday in la filayey in dadka intiisa badan ay noloshu macno qaabka isku dhafka ugu samayso, balse waxa la ogaaday in inta badan dadka ay noloshu macno ugu samayso qaabka isla jaan qaadsiinta
Raadinta qaab fahan ah (comprehend) raadin qaab mudnaan ah (significance): Noloshu waxay ruuxa macno ugu samaysaa raadinta qaab fahan ah, marka ruuxu isla jaan qaadsiinayo dabeecada u gaarka ah dhacdo iyo hal beegyo lagu qimaynayo dhacdada Tusaale ruux ka damqanaya dhibaato ku dhacday, wuxu u baahan yahay inuu fahmo hab uu naftiisa ku xasuusinayo in dhibaato ruux walba la deris tahay. Si uu uga soo kabto dhibaatada, wuxu u baahan yahay inuu rumaysto in wixii dhacay xalay dhalay ka yahay.
Ka fiirsashada (Cognitive) iyo ka fiirsasho la’aanta (Emotion): Noloshu ruuxa waxay macno qaab fiirsasho ah ugu samaysaa, marka uu isku habeeyo xog uu ka sameeyey dhacdo carqalad ku noqotay damaciisa guud iyo dib uu eegid uu ku sameeyey damaciisa guud. Si uu uga gudbo ee carqaladda wuxu samaystaa qorshe hawleed uu si fiican u fahamsanyahay Barta bulshadu ku wada xidhiidho https://cogx.info/executive-function/ ayaa samaysay jaanjus tilmaamaya qorshe ruux si ka fiirsasho ah u samaytay.
a) wax qabad la hubiyey oo qof digtooni qaadi karo (action – monitoring and self regulating action).b) xasuus iyo lahaansho maan shaqo aan waxba iloobin (memory utilizing working memory and accessing recalls).
c) caaddifad ama sharaarad iyo qiyaasidda jaho wareerka iyo qaybaha kacsanidiisa (emotion – maping furstaration and modulating emotion),
d) isu duwidda qaybaha xoogga hawl gelaya si loo joogteeyo xawliga uu ku socdo (effort – regulating altertnes sustaining efforts and speed).
e) joogtaynta foognaanta si aanay waxba isaga beddelin danaynta shaqada, (focus – focusing sustaining and shifting tention to task).
f) hawl gelinta- abaabul, kala hor marin iyo xaqiijinta shaqada (activation-organising, prioritising and actualising to work).Noloshu waxay ruuxa macno male awaal ah ugu samaysaa, marka isaga oo aan waxa ka fiirsan ku dhaqaaqo xallinta dhibaato ka hor timid. Qaybta ugu weyn ee dhibaatadu way qarsoon tahay si male awaal ahna laguma xallin karo.
Xallinta caqabadda nolosha Dadka hammiga badan, qaab ka duwan dadka aan hammiga badnayn ayey noloshu macno ugu samaysaa. Marka ay carqaladi ku timaaddo ujeeddada ay nolosha ka leeyihiin, waxay raadiyaan hab xal u ah ciladda caqabadda ku ah. Dhammaan qaababkaa noloshu ruuxa macanaha ugu samayso, waxay u horseedan inuu daaha ka furo habab tiro badan oo uu cilad haysata kaga gudbi karo. Hababkaa badan uu daaha ka rogayo waxa ka mid ah: •inuu isweydiiyo maxaa keenay dhacdadan ciladda kugu ah ?
•Baadhitaan ku sameeyo heer xaaladda uu galay iyo damaciisa guud.
•Helo erayo hal abuur ah oo la xidhiida dhacdada
• Fahmo meelo uu u aanayn karo inay sababeen dhacdada.
•Go’aansado waxa uu ka beddelayo ujeeddada guud ee noloshiisa haddii uu wax ka beddelayo.
•Go’aansado waxa uu ka beddelayo damaca noloshiisa haddii uu wax ka beddelayon
•Saadaalin karo qaab togan oo uu kaga gudbi karo ciladda haysata
•Ku dhaqaago tillaabooyin uu waxa kaga beddelayo ama kula jaan jaadayo xaaladda uu ku jiro.
booqo oo ka bogo maqaalo kale: Home

