Xisaabtu waa muhiim, gaar ahaan midda qofku isagu nafta xisaabiyo, taas oo suurta gal ka dhigaysa in dadaalka iyo tallaabooyinka aad qaadday noqdaan kuwo horusocod sameeya. Haddii kale waxa dhici karta, in aad go’aan qaadato, balse marka isbeddelkaagu koboc sameyn waayo aad dareento macna yaraan, taas oo ay ka dhalan karaan laba midkood: in aad dib ugu noqoto halkaagii hore, iyo in aad dhaafi waydo halka aad soo gaadhay.

Safarka caadiga ah waa aynu qorsheynaa, oo waxa ayanu si fiican u naqaan: goorta aynu baxaynno, halka aynu tagayno, muddada aynu joogeyno, sahayda iyo sababta. safarka, intaba. Marka aynu ka soo laabanno waa aynu qiimeyn karnaa safarkaas waxa aynu ka soo faa’iidnay, qarashka innagu baxay, in aynu mar kale ku laaban doonno iyo in kale. Haddii safar gaaban, oo maalmo kooban ah maxaa aynu u sidaas aynu ugu diyaar garawno, maxaa dhayalsannaa safarka nolosheenna idil. Sababta koobaad, waa iskuullada laguma dhigto maareynta iyo qorsheynta nolosha. Sababta labaadna, waa dhaxal, iyo sidii jiilba jiil ka soo gaadhay uun. Waxa aad is weydiin kartaa, sow ma adka cimriga dhan in la xisaabiyo? Haa, haddii sidaa dusha uun looga eego, xisaabtana aynu u maleyno tii iskuulka. Haddii se aynu fahanno, in ay tahay kaliya dhaqanno nafta lagu carbinayo, marka ay caadeysatana u dhib yaraanaya, faa’iidada ka dhalanaysaana tahay mid ku anfacaysa, xisaab aad u dhib yar. Dhaqannadaas waxa ka mid ah: tallaabooyinka buuggan guud ahaan, oo aad qaaddo. Waqtigaaga sida aad uga faa’ideysanayso. Xakamaynta naftaada, iyo yool aad qeexayso, si aad u gaadho hankaaga. Marka aad wax soo falangeysay, qorsheysay, soona dejisay himilo sugan, waxa aad u dhaqaaqi doontaa sidii aad u hanan lahayd. Intaas marka aad ka soo

Guushu waa safar, nolosha ku dheraran, ee ma aha goob la gaadho. Marka aad hanato himilooyin aad lahayd, waxa aad uga gudbi doontaa judhaba kuwa kale, adiga oo kuwii horana ku sii dhabar-adaygaya, oo kolba gaadhsiinaya heer iyo marxalad ka duwan, kana horumarsan, halkii hore. Taasina ma suurta galayso, haddii aan xisaabi jirin. Xisaabtana waxa ugu horreeya, qiimeynta kolba halka aad marayso, iyo qorsheynta halka aad ku socoto. Si kale, in aad dib u daalacato wixii aad asiibtay iyo wixii ku seegay tagtadii, ka dib aad qaabayso timaaddada, adiga oo ku salaynaya shaqada haddeer.
Afar jeerba waxa ay tahay qofku nafta in uu qorsheyn iyo qiimeyn ku sameeyo.
1. Isweydiinta Nafta Ka Hor Go’aan Qaadashada
in aad qiimeyso ka hor go’aan qaadashada isbeddelka halka aad taagantahay, haddii ay tahay dhanka cibaadada, qoyska, caafimaadka, shaqada, maalka, aqoonta, iyo kaalinta bulshada. Marka aad qiimeyso meel kasta, oo noloshaada ka mida ah, waxa kuu soo baxaya meesha dheelligu ka jiro. Waxa aad is weydiin doontaa: waa maxay hal wax, oo haddii aad naftaada ka beddesho, ka joojiso, ama ku soo kordhiso guud ahaan noloshaada horumar iyo isbeddel u horseedi kara? Halkaa shay, laba iyo saddex, wixii kuu soo baxaba, hoosta ka xarriiq.

2. Sacdaal
arrinta labaad waa in aad qorsheyso, ama saadaalin karto nolosha cusub sida aad rabto in ay u eegaato. Tusaale ahaan in aad qiyaasto caqabadaha kaa hor iman kara, oo aad filato niyad jab aad la kulmi karto. Waa qorshe ku salaysan xaqiiqooyin iyo mala’waalba. Marka aad si fiican u muujiso waxa aad doonayso nolosha, ayaad sameyn kartaa saadaal ku saabsan jidka aad marayso, hawsha lagaaga baahanyahay, xirfadaha ay tahay in aad isku hubayso iyo talada aad u baahantahay, intaba.

3. Daba-gal
qiimeynta saddexaad waa daba-gal aad ku sameyso kolba halka ay wax kuu marayaan. Haddii ay suurta gal tahayna, sida ku xusan tallaabada 4aad, in aad hesho cid daba-gal kugu sameysa, ama aad isku sameysaan, si midba ka kale ula socdo, kolba halka ay wax u marayaan, isku xasuusisaan, iskuna dhiirrigalisaan, mararka qaarna u tartantaan, tartan bilaa turxaan ah, oo labadiinnaba idin horumariya. Tartanna waxa ugu mudan, midka

Aad nafta la gasho; maanta maanta in ay ka wanaagsanaato shalay; berrina ay ka wacnaato maanta.Tartan waxa ugu mudan, midka aad naftaada la gasho; maanta in ay ka wanaagsanaato shalay, barrina, ay ka wacnaato maanta. Sidoo kale, baahi himilooyinkaaga, inta suurta galka ah, oo cid la wadaag. Marka aad ogaato in laga war qabo higsigaaga, laguna weydiin karo, halka ay wax kuu marayaan, waxa ay kuu noqon doonaan xasuusin, iyo xakame.
4. Hanasho ka dib
ugu dambeyn, waa marka aad is tidhaahdo xilligii kuu qorsheysnayd waad soo gaadhay in aad qiimeyso halka aad marayso, is barbar dhigna ku sameyso qiimeyntii billawgii iyo tan maanta.

Mar kasta oo aad is tidhaahdo qorshe aad lahayd ayaad gaadhay, macnahu ma aha in aad guuleysatay, waa se qayb ka mid ah safarka guusha. Ha ku dagmin, oo ha is dhigan; u qorshayaal kale iyo dardar cusub. diyaar garo Ha ku dagmin, oo ha is dhigan; u qorshayaal kale iyo dardar cusub. Xisaabta naftu si ay kuugu dhib yaraato, had iyo jeer waa in aad taqaan tiirarka noloshaada ugu muhiimsan, ee aad rabto in aad isbeddel iyo koboc ku sameyso. Waxa ka mid noqon kara tiirarkaas: tiirka ruuxda, tiirka caafimaadka, tiirka garaadka, tiirka qoyska, tiirka bulshada, tiirka shaqada iyo hantida.
Mid kasta, marka aad siiso darajo ah inta u dhaxeysa 0-10 waxa aad ogaanaysaa tiirka aad ku liidato, ee ay tahay in aad xoogga saarto. Tiirarka qaar waa udub-dhexaad, ugu horreynna, haddii aad iyaga ku hor marto, kuwo kale waa ay kuu dhib yaraan doonaan, sida tiirka ruuxda iyo midka garaadka. Is weydii, muxuu yahay tiir kasta oo ka mid ah tiirarka nolosha in aad ka joojiso, oo aan dhib mooyee dheef u lahayn? Maxaa ay tahay se in aad ku soo kordhiso, ama aad sii wanaajiso? Qorshe la’aani waa qof aan jiho lahayn, oo ay iskugu mid tahay waddooyinka ka soo hor baxa, middii uu qaadaaba. Qiimeyn la’aani waa qof aan kala garanayn dib-udhac ku yimid iyo horusocod, midnaba.
Marka aad qorsheynayso sannadkan cusub oo kale, waxa aad u dhigi kartaa su’aal ahaan, si maskaxda aad ucariso, una raadiso jawaabo. Tusaale ahaan, qiimeynta sanadkii dhamaaday iyo qorshaynta sannadka cusub, sidan soo socota u dhigo weydiimahaada nafta:
Qiimeynta sannadka dhammaaday:
1. Sannadka dhammaaday, imisa wax baad qorsheysay?
2. Maxaa qabsoomay, maxaa se qabyo ah?
3. Sababtee u qabsoomeen? Sababtee u qabyoobeen?
4. Boqolkiiba imisa guusha sannadku?

Qorsheynta sannadka cusub:
1. Imisa arrimood ayaad doonaysaa in aad qorshayso sannadkan?
2. Sannadkii hore intii qabyawday maxaa kaga jiraya?
3. Dadaal iyo qorshe intee leeg ayaad u baahantahay?
4. Maxaa caqabad kugu noqon kara in aad xaqiijiso?

Commentiga hoose iigu reeba afkaartiina, haddii aad doonaysaan in qoraalada noocaana aan idin kula wadaago sidaan ookale.

