Maaraynta murugadu waa mid basiid ah oo aad iyo aad u fudud, in si saxa loola tacaalaana ay fududahay iyadoo loo eegayo asalka waxay ahayd markaasna faaska loola baxayo sidii unuunka looga jari lahaa . In la daaweeyaa murugada dadka qaar ayaa waxay aamineen inay san suurto gal ahayn, laakiin taasi waa figrad khaldan,waayo murugadu awalba waxay ahayd maskiin fursad inaga heshay oo aan inagu jaanis siinay, hadana inagu waynaatay, haddii aan go`aaan sanana aan fursada kala laaban karno oo aan sifufud xiriirka ugu jari karno, noogama baahna shaqo adag oo aan kula tacaalnaa balse waxay ubaahan tahay sir yar oo aan kuu sheegi doono haddii aan samayno oo aan ku dhaqano waxaan gebi ahaanba meesha kaga saari karnaa murugo iyo wixii la hal maala, xataa wakhti inoogama baahna inaan dawadeeda kulumino lakiin waxay inooga baahan tahay inaan aamino oo aan aqbalno inagoo guusha isku diyaarinayna. maareeyaa murugada.
Baro sida loo maareeyo murugada si caafimaad leh oo wax ku ool ah.
Alle utalo saaro murugada kuheysata:
Alle isaga ayaa ina abuurtay dunidan iyo waxa saarana isaga ayaa leh, taladu gacan tiisay kujirtaa murugada iyo farxadana isaga ayaa keena ,xanuunka iyo caafimaadkana isaga ayaa keena,geerida iyo nolosha isaa keena. Ku xirnoow alle oo had iyo goorba bari oo xus cidkalan hala wadaajin alle isaga ayaa ina yiri adoomadayda ibarya anaa ini siinaya waxaad rabtaane, alle waa ku farxaa marka isaga wax lawaydiisto , bini aadamkuna waa ka xumaadaa marka aad wax waydiisato, walal had iyo goorba caabud isaga oo bari alle sareeye isagaa kaasaaraya dhibka iyo murugada.

Samir iyo dulqaad samee
Haddii dhibaato adduunyo kugu habsato noocay doonto haba ahaatee intay doontana ha lee kaatee samir iyo dulqaad samee Allana wuxuu la jiraa kuwa samra, dhibaato adduunyo kastana waatii faydanta, mar kastoo mugdigu batana iftiinka ayaa soo dhawaada, adigu marwalba samir iyo dulqaad la imoow , allena wuxuu quraankiisa ku sheegay inuu lajiro kuwa dhibka ku samra[ Al-baqara – 155 ] {waxaan Idin Ku Imtixaannaynaa Wax Cabsi Ah Iyo Gaajo, Iyo Nusqaamin Xoolaha Iyo Nafta Iyo Midhaha, Ee U bishaaree kuwa samra)Waalaal aduun kan intaan saaranahay waa la ina imtixaamayaa, waan dhibaatoonaynaa, balse waa inaan usamirnaa dhibka iyo murugada oo aqbalnaa.
Garowso waxaad ka murugoonayso
Haddii aad fahantay waxaad ka murugoonayso beddel habka aad ufikirayso iyo mabda aad ka haysato, xataa haddii ay wax xun yihiin ,isku day inaad waji kale ku eegto,kasoo qaad haddii aad imtixaan aad ka wel welayso inaad ku dhacdo beddel habkan oo intaad welwel wakhtigu kaaga lumilahaa wax iska akhri aamin inaad ku guulaysanayso 100% xataa haddii aadan mesha waxba ku hayn, bedel codkii hore ee aad dhegaysatay una arag inuu mid beena oo daciifa ahaa, isku day inaad adeegsato codadka guuxa xoogan ee dhirta iyo dhagaxaba shiili kara kuwaasoo ku duugan gudahaaga iyo shakhsiyadaada hoose, garawsashada waxaad ka murugoonayso waxay ka dhigaysaa naftaada mid bukaan iyo dabiiba {dhakhtar} isku ah oo sida tusbax lafuray wax kastaba u kula dhaqaajinaysa.
Filo rajo wacan
rajada wacan waxay ku dareen siisaa kalsooni murugaduna waxay dishaa kalsoonida , haddii aad raja aad filanayso ay tahay mid fiican waxaa badanaysa kalsoonida aad wax ku qabsan karto waxaana yaraanaysa murugadaada , filashada rajo wacan waxay soo jiidataa farxada iyo rajada, waxayna kuu kaxaysaa dhabaha guusha iyo aqbalida dhibaato kasta.
samee ficil
inaad samayso ficil waa wax aad u dhib yar, lakiin ubaahan karti iyo dadnimo buuxda , markastoo ficil lasameeyo waxa yaraata murugada , waxaana sahlanaata qabashada hawl larabay, haddii aad ka murugaysan tahay inaadan gaari kaxayn Karin , ilaama aad ficil samayso gaariga ma kaxayn kartid oo fikirkaa khaldan baad kudanbayn, Samee ficil hadeer waxaa saaxada ka baxaya ka wal walka in wax laqabto ama murugada arintaas taagnaato.
Rumaynta qadarka
Rumaynta Qadarka, dhib iyo dheef wixii kugu dhaca inaad ogaato in alla kuu qoray adigoon dunida Imaan,Nebiga (SCW) wuxuu yiri: “waxaa yaab leh qofka Muslimka arimihiisa, wax kastoo qabsadaa waa u khayr, qof aan muslin ahayna arrintaas ma helo, Hadduu wanaag helo Alluu mahdiyaa markaas ayuu khayr u noqdaa, haddu dhib qabsadana wuu Sabraa(dulqaataa) markaasaa Sabirkaasi khayr u Noqdaa” . C/laahi Bin Cabaas ayaa nebigu SCW ku yiri: “ogow haddii dadkoo idili ku heshiiyaan inay dhib kuu gaystaan inayan kuu gaysan Karin waxaan alla kuu qorin, haddiise ay ku heshiiyaa inay wanaag kuu qabtaan inaysan kuu qaban Karin wax aan alla kuu qorin” qaddarka rabina maaha mid labaajin karo ama mid ubaahan in cidkale lagala tashto oo wax laga wayddiiyo, balse talada iyo go`aankuba waa kuwo rabi ukhaas ah oo aan cidi lawadaagi Karin, adigu marwalba aqbal wax kasta oo kugu dhaca shar iyo khayrba.
Waxba hakasoo qaadin dhibka
marka aad ka dhigto wax aan macna lahayn dhibka, wuxuu isu beddelaa mid faa`idol eh, buun buuninta iyo ka cabashadu waa shidaalka dhibku kusii badan lahaa, waayo haddii aan dab siibaxay iska dayno waa damayaa, laakiin haddii aan gaas kusii shubno waa sii hol cayaa oo cirkuu gaarayaa, dhibkuna waa sidaas si lamida haddii aan is ilowsiino waa ina ilaawayaa, laakiinse haddii aan xasuus naano waa ina xasuusanayaa, taabedelkeeda haddii qof aad uqaylinaya oo xanaaqsan uu ina caayo isagoo dagaal inaka doonaya, hadii aan Lacaytanana waan is dilaynaa , balse haddii aan ka aamusno oo aan qayladiisa waxaan jirin ka dhigno waa isku xishoonayaa oo qaboobayaa hadhowna ina raali gelinayaa, Sidoo kale dhibku wuxuu ina raali gelinayaa markii aan ka aamusno oo aanan ladagaalamin. Ladagaalan see ah? Haddii wax inagu dhacaan oo aan dhib u aragno sida inaan qaylino walwalno bood boodno alla ba`ayeey, hoogayeey iyo wixii lamida murugada kuheysatayna waa kaaga sii daraysaa, deganaashahana waa ku baa ba`ayaa.
Sallaadda wardiga iyo digriga

mar haddii uu dhibku kugu sii bato xaaladdu kugu adkaato, welwel iyo walbahaar ay iskugu kaa yimaadaan, Salaadda badso, salaadu waa furuha farxada iyo rayn raynta nabigeenii(scw), markuu ciriiri dareemo iyo dhibkay gaaladu ku hayaan wuxuu u degdegi jiray salaada si uu raaxo u dareemo yaa allah, bal eeg walalkayga qiimaha badanoow heerka ay salaadu joogto, siduuba alla na faray Kaalmaysta sabirka iyo salaadda, akhrinta Qur’aanka, wardiga, iyo baryada allaba waxay ka mid yihiin waxyaabaha qofka dhibaatooyinka aduunyada hilmaansiiya.
Ufekerka si wacan (positive ah)
waxay kaa caawinaysaa inaad caqabad kastoo kusoo marta aadan waxba u arag ama aad caqabada laftigeeda aad fursada ka dhex samaysato, adoo mar walba si wacan ufekera oo wax walba khayr kadhigay , masoo hawaysato murugadu qofka badanaa dhanka fiican wax ka eega allana kuxiran, fekerka wanaagsan waa kan ku siiya, farxada waa ka kuu sheega inuu dhibku fursad yahay. Codka hoose ee ay kulamaan tahay rajada wanagsan ee togan (positive) wuxuu sahlaa shaqo fiican, dareen farxadeed , horu socod noqo mid markastaba dhanka fiican wax ka eega caqabadan fursad u beddelaa,
Ha rumaysan warka dadka kale
tani waa mushkilada ugu wayn ee dadka saamaysa, dadka oo dhammi run madawada sheegaan, waxaana jirta dadka qaar waxaysan aqoon fiican ulahayn ama cidkale kasoo maqleen inay sheegaan adiguna aad rumaysatid taasoo albaabada ufuraysa murugada iyo shakiga iyo wal walka,xataa waxay kaa shaki kalin karaan shay aad taqaano iyagoo iska dhigay inay kaaga war roon yihiin iyagu , dadku qayb runta iyo xaqiiqada ay hayaan bay kuu sheegan, qabyna wax aysan aqoon oo ay dadkale oo khaldan kasoo maqleen bay kuu sheegaan , marka wararka noocaas oo kale ay kuu sheegaan oo aad kala saari kari waydo kooda saxan waxaa larabaa inaadan isku mashquulin ee aad ka gudubto , ama si cilmiyaysan uqaadato adoo kartidaada iyo kalsoonidaada adeegsanaya waxaan tusaale ahaan usoo qaadanaynaa, kawaran hadii uu ku hayo hargab waliba markaas kugu cusub,aadna lakulantid dad si aad wax uga way diisid waxa hargabka loo isticmaalo, waxaa hubaal arrintan inay samaynayaan, qaar waxay ku dhahayaan “war lagu qaadye orod oo dhakhtar u tag hargabku yuusan qaaxo(Tb) kugu noqone.cajiib! Qaarkalana waxay kuu sheegayaan in aadan wax dawo ah isticmaalin oo aan hargabka daawo loo qaadan, iyagoo dhahaya war hargab daawo maleh ee ha isdilin, meesha kuwo kalana kaaga sheegayaan inaad xalwad iyo caano kulul oo hayl leh aad isticmaasho,Dhamaan tood waa ay khaldan yihiin wax wara oo ay u hayaan ma jiraan waxayna kaaga sheekaynayaan waxay dadkale ka maqleen.
Akhriso ducooyinka walwalka, murugada, hamiga
Ducooyinkan hadaad akhriso waa xaqiiq inaan murugo kugu dhacayn , ama kugu sii raagayn , akhriso xafid oo markastaba kaga ducayso murugada {allahumma innii cabduka, ibnu cabdika, ibnu amatika, naasiyatii biyadika, maadin fiiy xukmuka, cadlun fii qadaa`uka, as-aluk bikulli ismi huwa laka, sammayta bihi nafsaka aw ansaltahu fii kitaabika, aw callamtahu axadan min khalqika, aw istasarta bihi fii cilmil-qaybi cindaka, antajcala quraana rabiica qalbii, wa nuura sadrii, wa jalaa-a xusnii, wa dahaaba hammii} Rabbiyoow Anigu waxaan ahay Adoonkaaga, iyo wiilkii adoonkaaga, iyo wiilkii adoontaada, foodaydu (hogaagkaygu) waxay ku sugantahay gacantaada, xukunkaagu wuu igu socdaa qadarkaaguna (waxa aad ii qadarto) waa cadaalad dhexdayda, waxaan kugu weydiisanayaa magac kasta ood leedahay, kaas ood u bixisay naftaada amase aad kusoo dajisay kitaabkaaga dhexdiisa, amase aad bartay qof kamid ah uunkaaga amase aad ku gaar yeeshay agtaada cilmiqaybka dhexdiisa, in aad ka yeesho Quraanka weyn qaboojiyaha qalbigayga, iyo nuurka laabtayda, iyo faydaha walbahaarkayga, iyo tagsiiyaha murugadayda ama walwalkayga”.
Filo guul darada
Haddii aadan ogayn in guul daro kaso kayso guusha waxaa iska fudud inaad han dhigtid oo aad walaacdid, waxaan kuu sheegayaa dhammaan cidkastoo guulaysataa dhib iyo ayay soo mareen, Waddada guusha mayaalaan, kabo adiga laguu dhigay inaan kusocoto balse waxaa dhex yaal qodxaan laguu dhigay inaad ka gudubto, Guuldaradu waa ay kasoo hormartaa guusha ,sida dabayshu uga soo hormarto roobka ,taasina waa sababta ay dadka intooda badan ugu haraan meel dhexe iyagoo guushu inyar uga harsan tahay,hafududaysan wadada guusha waayo dhibkastaaba waa kasokeeya, ha isdhigan marka aad fashilanto ama waxaad rabtay aad waydo ama sikale ay udhacaan marnaba haquusan oo ha isdhigan ogoow hareeraha guuldarada waxaa gaarka ka haya guusha, marwalba ahoow mid udiyaarsan inuu guul darada aqbalo guushana isku diyaariyo.
Ha quusan

waa qodobka ugu danbeeya ee albaabada iskugu laabaya murugada , haddii aadan quus dhigin waa karti oo waxaad noqonaysaa mid sareeya oo guulaystay , haddii aad quusatana waxaad noqonaysaa mid fashilmay oo nolosha ka dhacay,dhammaan dadka guulaystaa si kastoo ay u murugoodaan, u fashilmaan, marnaba maquustaan taasina waa sababta loogu magacaabo guulaystayaasaha aduunka , haddii aad marar badan aad murugootay, guul daraysatay, soo jabtay, marnaba haquus dhigin, ha is dhigan, libaaxa dadkoo dhan baa neceb waa xayawaan dilaa ah, waa lala dagaalamaa, hubka ugu khatarsan baa lagula dagaalamaa,hadaba isagoo noloshaas ku nool buu libaax yahay isagoo noloshaas ku nool buu dadka ubac dhigaa, isagoo noloshaas ku nool buu boqolka nin damaaciyaa inuu cuno, burjigiisa dhulka ayaa kula socda haddana waad aragtay sida loola dagaalamo, maquusto libaaxu awoodiisa ayuu kula dagaalamaa gaajada iyo dhibka. libaax ha quusan libaax ayaad tahay , haddii aadan libaax ahayn maadan dhibaatooteen, libaaxu sida jabka iyo dhibka uu ugu raaxaysto adna waa inaad niyadjabka, dhibka iyo murugadaba ugu raaxaysataa marnaba ha quus dhigin aqbal dhibka oo guusha isku diyaari.
hadaba akhriste sidaa ku maaree murugada
halkan kaga bogo maqaale kale: Home

