Sidee ku noqon kartaa qof guuleysta ?
Qof kasta oo inaga mid ahi waxauu la tacaalayaa carqalad noloshiisa haysata oo ka hortaagan waxyaabo badan oo uu qabsan lahaa, taas oo ay dad badan aamisan yihiin in ay tahay wax aan xal loo heli karin ee ay iska samraan; taas oo ka lumisa awoodii fikir iyo ficil ee ay kaga takhalusi lahaayeen carqaladaas haysata, iyaga oo ka laabta gacmaha daawadana meesha ay u kaxaysa carqaladaasi. Waxa kaliya ee ay tiigsadaana waxa uu noqdaa calaacal joogto ah iyo cudurdaaro uu qofku ku xeero noloshiisa oo dhan. Maad ilowday inay noloshu tahay imtixaan iyo shaqo, taas oo mararka qaarkood ah hal xidhaale ay ka guulaystaan in yari!. Inta badan dadyowga guusha ka gaadhay noloshan ee ka tagay dhaxaltooyo ma guuraan ah oo ay intifaacsadaan malaayiin qof oo ku kala nool daafaha dunida. Sidee ku noqon kartaa qof guuleysta ?
kuwaas oo aanu magacooda iyo waxtarkooduba aanu dhimanin ilaa marka ay dhintaan ka dib, iyaga oo ka waxtar badan kuwo badan oo helay waqti badan oo ay Dunida ku noolaadaan laakiin noqday rabshad wadayaal nololeed dadka ku xeeran dhiba, nafahoodana cadaab iyo cuduro joogta ah u horseeda. Ogsoonoow in Carqaladu ka mid tahay sunaha nolosha, waayo Rusushii iyo Nabiyadii ( Naxariis iyo nabad galyo guudkooda ha ahaatee) Illaahay ( S.W.T) soo diray waxay ahaayeen kuwo la kulma carqaladaha;kuwaas oo ka carqalado badnaa dadka ay la noolaayeen waqtiyadoodii.Dhibaatadu waxay inoogu timaada si aynu wax uga barano, uguna dabaqno nolosheena; dadka inta badani waxay ku mashquulaan dhibaatada iyaga oo hilmaama casharadii ay ka baran lahaayeen. Carqaladuhu nolosha kama dhamaadaanse xal lagu dhaafo ayaa jira. Sidee ku noqon kartaa qof guuleysta.
–U fiirsasho iyo Falanqayn:

In aad u fiirsato oo aad falanqayso carqalada ku haysataa waxay kuu sahli kartaa in aad si fiican uga bogato dhibta iyo xaga ay ka timid; deetana si fudud aad ugu siibi karto xiddidada, wax walba bilowga xalkiisu waa fahanka, haddii aanad nolosha fahmin waliga waad jahawareersanaan, haddii aanad fahmin shay aad isticmaali lahaydna waligaa ka faa’idaysan maysid. Si aad wax u fahantana waa in aad falanqaysaa oo aad baadhitaan qoto dheer u gashaa.
Mar walba diiradda saar wanaagga:
Ha ku mashquulin dhibaatada, waayo waxay kaa luminaysaa kalsoonida iyo awoodda aad xal ku heli lahayd. Marka aad dhanka togan wax ka eegto, niyad wanaag iyo fikirro cusub ayaad helaysaa, taasoo kuu sahleysa xalinta caqabadaha. Cilmi-baaris ayaa muujisay in fikirka togan uu kordhiyo awoodda maskaxda ee helidda xalal kala duwan, halka fikirka tabani uu xaddido aragtida qofka. Sidaa darteed, wanaaji filashadaada, si aad u hesho natiijo wanaagsan. helna hadba wixii aynu ka filano wanaag iyo xumaanba, wanaaji filashadaada aad nolosha ka qabto.
Mar kasta Rejo yeelo oo ha quusan
Rejadu waa xanuun bi’iyaha dhibta iyo werwerka nafsiga ah, mar kasta oo aad rejo leedahay waad ka murugo yar tahay mararka kale. Quustu waa albaabka ugu horeeya ee laga galo guuldarrada iyo werwerka joogtada ah, Rejadu waxay ku dhaxalsiinaysaa in aad lahaato calool adayg si kasta oo ay xaaladu u adag tahay in aad quusataana maaha dhaqan wanaagsan; waayo ogoow in uu Alle ina faray inaynaan ka quusan Raxmadiisa, taasi waxay ina tusinaysaa sida ay muhiimka u tahay in la lahaado rajo si kasta oo ay u madowdahay noloshu, Ogoow in uu Habeen kastaba ka danbeeyo Iftiin maalmeed qurux badan, Dhibaato kastana ay ka danbayso nolol fiican. Carqaladu haddii aanay ku dilin waxay kuu noqon doontaa sheeko aad ka sheekayso maalin ka mid ah maalmaha noloshaada Aduunyo.
Baro Xirfada Xallinta Khilaafaadka
In aad barato xirfadani waxay kaa caawinaysaa in aad wajihi karto Carqalad kasta oo ku soo wajahda xalna u heli karto, aqoon in aad u lahaato xirfada noocan oo kale ah waxay kaa caawin doonta qaybo kala duwan oo noloshaada ah.
Ka warqab Naftaada
Mar kasta oo aad kor u qaado ogaanshiyaha iyo ka warqabka naftaada, waxa aad u dhawdahay in aad ka guulaysato carqalad kasta oo soo wajahda naftaada. Dhibaatada ugu wayn ee aynu inta badan kala kulano carqaladuhu waa in ay hoos u dhigaan ka warqabka nafeed ee shaqsiga.
Baro Xirfado kala duwan

Mar kasta oo aad kor u qaado heerkaaga aqooneed ee aad korodhsato cilmi, waxa aad ka gudubtay oo kaa go’ay dabar ka mid ah dabarrada Jahliga. Dunidan aynu manta joogno waxa ugu wayn ee qofka lagu qiimeeyaa waa xirfdaha uu yaqaano; sababtoo ah waxa la ogyahay; qofba qofka uu ka xirfado badan yahay inuu ka xallin ogyahay dhibaatooyinka, noloshiisana awood u leeyahay inuu maareeyo.
Dhiirigali Naftaada
In aad dhiirigaliso naftaada mar walba waa shay aad ugu muhiim ah noloshaada iyo guulaha aad ka gaadhi karto, naftaada oo aad dhiirigalisaa waxay kuu horseedi kartaa hanaan nololeed oo waxsoo- saar leh.
Samayso Caawiye

Helida shaqsi kaa waayo aragnimo iyo aqoon badan waxay kuu fududayn kartaa in aad ka gudubto carqaladahaaga, qof ku caawiya oo ku siiya talooyin dhaxagal ah wuxuu kuu fududayn karaa ka gudbida carqalada, baadi doon oo ka ag dhawoow dadka aad bidayso inay noqon karaan kuwo awood u leh inay kula xalliyaan carqaladahaaga. Awooda carqaladahaagu kaama wayna se adiga ayaa dooran kara in aad isku diciifiso oo aanad waxba ka baran; dhulkana kula gasho oo ay adiga ku burburiso noloshaadana baabiiso, ama aad wax ka barato kuna dabaqdo noloshaada oo aad ka dhigato kaabadihii figta sare aad ku gaadhi lahayd.
Sidee ku noqon kartaa qof guuleysta
Booqo oo kabogo maqaale kale: https://fikirhub.com/

