Akhlaaqda Fiican ee islaamka

Akhlaaqda Fiican waa sheyga ugu muhiimsan uu lahaado biniaadamka, akhlaaqda wa tilmamaha shaqsiyad wanaaagga qofka leeyahay, waxaana tusaale, kudayasho, barasho inooga filan (Nabi MUXAMAD SCW akhlaakh wanaaaggiisa, Allah SWT ku amaanay uu kuyiri waxaa hubantii ah inaad tahay mid dhaqan fiican,

وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ

Nabi Muxumed SCW waxa uu ahaa qur’aan socanaya, wax kasta oo uu quraanka ku baaqay oo akhlaag fiican leh, Dulqaad leh, oo cafis leh geesinimo leh, oo waxbixin leh, wax kasta oo binaadam lagu amaano qur’anka sheegay ama la ina faray Nabiga SCW mid fulaya ayuu ahaa. Nabiga SCW waxuu ahaa mid balanka fuliya waxa uu ku balamo fuliya oona rabi safiican ula yimaada, mid geesi ah, mid cafis badan kalsooni badan. Hadaba culumida waxay yiraahdaan akhlaaqdu wa laba

Inaad ALLAH SWT safiican ula dhaqanto

waa inaad si wanaagsan u caabuddo, wixii xukun ah oo dhankiisa kayimaado, inaad ku qanacsanaato oo aad raali ku noqoto wixi lagu faray inaad latimaado

Akhlaaq fiicnida binaaadamka lagula dhaqmo

wa inaad sharkaaga ka haysato binaadamka, dhibtoodana aad ku samirto, waxay keensanaysa dulqaad, cafwi iyo wanaag inaad kula dhaqantid IWM

Akhlaagdu wa waxa ay ahmiyad wayn siiyeen umamka dhamaantood waana

tirarka ugu wayn uu aadamaha dhismihiisa ku taaganyahay ama noolashiisa xukuma, hadaba akhlaaqiyaduna waa inaad udulqaad lahaato wax walba oo kusoo wajaho, cidwalaba ma jecla waxaynan raali ka ahayn in lagu sameeyo, laakiin

inaga oo ku dayanayno Nabigeena SCW wa inaan dulgaad ulahaano wax walba si aan akhlaakhda u hagaajino. Culimada iyaga oo aayad qur’aan ah daliishanayo aya waxay yiraahdan, aadanuhu wuu leeyahay laba ceebood (labo Cawrro) labaduduba Allah waxaa uu sameeyay wax lagu qariyo

1. Waa cawrrada jirka, oo aan ku daddno inaan ku asturna cawrrada jirka, sababtuna waan isku qurxinaa, sidaa-awgeed jirka sare waxa astura marada

2. Waa carrada hoose (akhlaaqada) cawrada hoosanna waxaa asturta  akhlaaqada, hadey akhlaagdu kugu yartahay cawradaada way muuqaataa, sidaa daradeed inuu dhaqnkaaga qurux leeyahay ayaa marwalba muhiimsan, oo aad leedahay akhlaaq daahirsan

Akhlaaqda fiican iyo fadliga ay leedahay

Waxaan shaki ku jirin ahmiyada ay leedahay akhlaaqda wanaagsani iyo heerka

ay ka taagantahay dinteena islaamka. Culimada islaaamku waxay u qeexeen akhlaagda wanaagsan qaabab kala duwan, markaa waxaynu ka doooran kuwa ugu balaadhan ee ugu faahfaahsan

waxay ku fasireeen culimada qaarkoood in akhlaaqda fiican tahay Samafalka oo lala yimaado, dhibta oo lala joogsado, dhibta oo loo dulqaato. Waxa hadalkaa macnihiisu yahay akhlaagda wanaagsani waxay kusoo urur santahay in lagaa helo sedex arin, oo kala ah

1. In aad dadka u sama-fasho oo aad wanaaga u gasho

2. In aad dhibtaada dadka ka haysato oo aanad dadka dhibin, oona laga nabad galo af iyo adinba.

3. In aad u dulgaadato dhibta dadka kaa soo gaadhaysa, oodna usamirto

A. waxay culimada qaarkoooda ku fasireen akhlaaqda wanagsan in ay tahay. In aad xidhiidhiso cidii ku jarta, oo aad wax siiso cidii ku siin wayda, oo aad saamaxdo cidii kugu gardaroota. Marwalbana aad tanaasusho wixii lagula qabsado

B. waxay yidhaahdeen culimada qaarkood: akhlaaqda wanagsani waxay ku taagan tahay afar tiir, waxayna kala yihiin


1  Adkaysiga amaba sabirka: waxaa loo baahanyahy inaad yeelato sabir iyo adkaysi, taas oo ay tahay inaad leedahay akhlaaq muujinayso sabirkaaga oo aad rumaysan tahay qadarta


2  Dhawrsoonaanta: dhowrsanaantu, waa tilmaam akhlaaqiyaad ah inaad noqoto qof dhowrsan


3 Geesinimada: waxay keenaysa geesinamada waa inaad shayga wanaagsan fulintiisa aad ku dhiirato qofka, adigoo lagu dulmiyay inaad dulqadato waa qayb kamid ah geesinimada akhlaaqeed, inaad tanaasul samaysana waa qayb kamid ah akhlaaqada gesinimo

4 Garsoorka ama Cadaalada: inaad garsoor tahy  oo aad cadaalad saarto cadaaladu waa halbowlaha midnimada

Homehttps://fikirhub.com/news/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *