Qof kasta oo guul doon ah waxuu leeyahay hadaf uu hiigsanayo, balse guushu si fudud kuma timaado. xaqiijinta hadafku waxay u baahantahay qorshe cad, dadaal joogto ah, dulqaad iyo kalsooni nafeed 12ka qodob ee xaqiijinta hadafka waa mabaadi’ iyo tilmaamo kaa caawinaya inaad si nidaamsan ugu dhaqaaqdo riyadaada, ugun gudubto caqabadaha kugu hor gudban. marka aad fahamto oo aad ku dhaqanto qodobadan, waxaad kordhinaysaa fursadda aad ku gaari karto natiijo dhab ah oo waarta.12ka qodob ee xaqiijinta
12ka qodob ee xaqiijinta
1.Si fiican u xaddid waxa aad doonaysid
Si fiican hakuugu cadaado hadafkaagu oo yaan marnaba madmadow kaa galin. Ninka layidhaadho Danis wuxuu kitaabkiisa ( raaxada shaqada) ku sheegay marka aan doonayno inaan meel aadno waa inaan si fiican u naqaan meeshaas aan u socono. Waxaa wax lagu qoslo ah inaan guntiga u xidhano oo marada u gaabsano si aan u gaadhno hadaf aan si fiican u muuqan oo aan u cadayn, taasi hadii ay dhacdo waqtigii iyo dadaalkeenii labadiiba way dayacmayaan.
2. Hadafkaagu waa inuu ahaadaa mid waaqic ah oo la xaqiijin karo.
Bal ka waran nin dulfadhiya meesha dabka lagu shito oo baqtiisan oo la hadlaya oo ku leh (kulayl isii markaa kadib baan xaabo ku siine) Hadalkaasi waa mid aan mandiq ahayn oo aan waaqic ahayn inkasta oo uu ruuxaasi xaddiday wixii uu doonayay oo ah kulayl, hadana talaabada uu u qaaday inuu kulayl helaa maaha mid macquul ah. Sidaa daraadeed marka aad doonayso inaad hadaf yeelato waa inuu ahaadaa mid macquul ah.
3. Doonis Adag Muxuu qiimo leeyahay hadaf aan wadan doonis adag oo
ku gubaysa
Doonista adagi waxay ka dhigan tahay ogsajiintii ay ahdaaftu ku neefsanaysay si ay waaqica ugu noolaato. Ahdaafta aan wadan doonis adag waa mid mayd ah oo aan ruux lahayn, sidaa awgeed waa in doonista xaqiijinta.
hadafkaagu ay noqotaa doonis adag, oo awood badan oo aan ruuxna joojin karayn, oo xataa adiga laftaadu aanad hor istaagi karin.
4. La noolaw hadafkaaga
Marka aad leedahay hadaf isku day inaad aragto faahfaahintiisa oo dhan, oo aad sawirataa isagii oo rumoobay oo adiguna aad qayb kamida tahay. Sawirashada hadafkaaga aad sawiranysaa waxay ka dhigantahay isku xidhka caqliga hoose iyo caqliga muuqda, sidaa daraadeed waxaan kugu waaninayaa inaad hadafkaaga ku noolayso adiga oo sawirkiisu ku horyaalo oo uu kuu muuqdo mar walba. Cilmiga la yidhaahdo Mitafisiqiya wuxuu ku barayaa inuu caqligu yahay sida birlabta oo kale marka uu arko hadafkiisa wuu xaqiijinayaa, taasi oo keenaysa inuu soo jiito dadka, mawqifyada iyo aaliyaadka kaa caawinaysa xaqiijinta hadafkaaga.
5. Go’aan qaadasho
Marka aan dib ugu noqono qodobadii hore waxaan arkaynaa inaan xaddidnay hadafkii oo aan isla garanay inuu yahay mid waaqica waafaqsan, oo suuragal ah oo aad aragto isaga oo cad oo u muuqda sida qoraxda. Hadaba imika waxaan soo gaadhnay qodob kale oo muhiima oo ah inaad go’aan adag ku qaadato xaqiijinta hadafka . Go’aankan adag ee aad qaadanayso ee doonista adagi la jirto wuxuu u baahan yahay inaad ka dhabayso si uu u noqdo mid waaqica oo dadka kalena kula arkaan, oo aad hadafkaaga ku dabaqdo waaqica, una sheegto dadka aad jeceshahay ee iyaguna ku jecel si ay kaaga caawiyaan hirgalinta hadafkaaga.
Talaabadani waa dariiqaaqa si aad himiladaada ula noolaato oo aad uga dhigto waaqic la taaban karo.
6. Hadafkaaga Qor: Anigu ma aqoonsani ahdaafta aan qornayn, hadaf aan qornayn waa iska riyo quruxbadan oo kaliya , hadafka qoranise waa ka dhabta ah. Caalimka wayn ee Brian Tracy ayaa kitaabkiisa layidhaahdo falsafada xaqiijinta hadafka wuxuu ku yidhi: (qalinka iyo warqadu waa meesha uu shay walba ka bilaabmo) marka aad qalinka gacantaada ku qabsato waxaad hantiday laba awoodood (jidhka iyo caqliga) qalinkii ayaad ku qabsatay gacantaada taasi waa awoodii jidhka, ta kalena waa mid caqli waayo caqligaaga ayaa ku mashquula hadafkan aad qorayso, caqligaaga hoosana waxaa kasoo baxaya cod kaasoo ku celceliya hadafka qoran.

7. Xaddidida Waqti (waqtiyaynta) Bal u fiirso ciyaarta kubada Cagta oo aan lahayn waqti xaddidan miyaanay ahayn arin adag oo aan la rumaysan Karin Sidoo kale hadafka aan lahayn waqti go’an oo uu bilaabmo iyo waqti go’an oo uu dhamaadaa waa sidaas oo kale. Xaddidida aad u xaddido hadaf kasta waqti go’ani wuxuu ku siinayaa ahmiyad aad u wayn oo ah; inaad joogtayso, xamaas iyo awood u hesho fulinta qorshaha aad hadafka ku gaadhayso. laakiin waxaa waajiba in waqtiga aad xaddidaysaa uu ahaadaa mid ku dhisan oo waafaqsan waaqica oo soo hoosgalaya awoodaada iyo kartidaada.
8. Garawso awoodaada: Qiimee hibooyinkaaga, garo waxaad haysato iyo waxa aad u baahantahay inaad hesho, hadafkastaana wuxuu u baahanyahay aalad, eeg aalada aad u haysato fulinta hadafkaaga iyo waxa kaa dhiman, naftaada si fiican u garawso, kuna dadaal inaadgod,daloolooyinkaaga awdo.
9. Daraasee dhibaatooyinka kaa hor iman doona una diyaargaraw : Maadaama aad ku dhex jirto qorshaha fulinta himiladaada , waxaa ku soo waajihi doonta dhibaatooyin oo aan shaki ku jirin. Guushu kuma timaado fudayd, hadii kale qof kastaaba si fudud buu ku heli lahaa. Kaliya cidda leh samir, il dheeri uu kusii arko caqabaadka soo socda, kuwaas oo kaliya uun baa leh awood ay kaga gudbi karaan caqabaadka kadibna ay ku xaqiijiyaan hadafkooda.
10. Ku dhaqaaq: Had iyo jeer talaabada hore waa mid adag. Qofku had iyo jeer wuxuu u baahan yahay awood badan marka uu mashruuc bilaabayo ee hore. Imika bilaw xaqiijinta hadafkaaga adiga oo ka dhigaya mid waaqica oo dhab ah. Qaad talaabada hore adiga oo aan ka talamayn (laba labaynayn), amase aan dib u noqonayn, talaabadani waa talaabada awooda hadafka.
11. Qorshahaaga qiimee: Mid kamida bulshada ayaa doonay inuu tago meel, wuu diyaargaroobay kadibna waa dhaqaajiyay, laakiin jawigu wuxuu ahaa mid adag oo aan ku haboonayn safar, laakiin ugu danbayn wuu gaadhay meeshii uu u socday daal iyo dhib badan ka dib, halkaas oo uu kula kulmay ruux si degan u fadhiya oo ilnaxariisleh ku soo eegaya,markii uu xaalkiisa u waramay ee uu sheegay dhibta iyo waqtiga uu kusoo bixiyay inuu meeshan yimaado ayuu ninkii ku yidhi: miskiin hadii aad I wayndiin lahayd waxaan kuu sheegi lahaa tareen toos u yimaada goobtan daal iyo dhib midna lamaad kulanteen. Hadaba inta aanad dariiqa marin si aad hadafkaaga u gaadho iska hubso inaad dadka waraysato oo aad hesho macluumaad badan iyo khibrad taas oo kaa caawinaysa safarkaaga, si aanad waqtigaaga iyo juhdigaaga ugu dayicin meel cidla ah.
12. Joogtayn
Wuxuu leeyahay Ziglar inta badan dadku way fashilmaan, maaha awood daro balse iyaga oo aan joogtayn Tom Addison wuxuu leeyahay ( xaaladaha fashalka intooda badan waxay ku timaadaa dad aad ugu dhawaa guusha ka hor intaanay is dhiibin).
Adison uma suuragasheen inuu laambada inoo soo saaro hadii aanu joogtayn oo aanu u babacdhigin dhib kasta oo soo waajahda. Daysanina magaaladiisa ma sameeyeen (madiinatu axlaam). Sidoo kale kolooniil Sandaris aas aasihii makhaaxiyaha kintaaki. Dhamaantood kuwaasi waxay fashilmeen boqolaal jeer bal kumanaan jeer, laakiinse joogtaynta si ay himiladooda u xaqiijiyaan ayaa u suuragaliyay inay noqdaan qaar guul gaadha.
12ka qodod ee xaqiijinta hadafka akhris wacan

